AMISOM oo beenisay in Al Shabab ay weeraren xarun ay ku leeyihiin gobolka Gedo

Taliska ciidamada AMISOM ayaa goor dhaw beenisay in Al Shabab ay weeraren xarun military oo ay ku leeyihiin deegaanka Dhamaso ee gobolka Gedo.

AMISOM ayaa sheegtay in wararka qaar oo ay warbaahinta baahiyen oo ahaa in Al Shabab ay weeraren xaruntooda ay yihiin warar been abuur ah.

Barta twitterka AMISOM ayaa lagu sheegay in AMISOM ay si xoogan u beenineyso wararkasi islamarkaana aysan jirin wax weerar ah oo dhacay.

Al Shabab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka lagu qaaday Xerada AMISOM ee Dhamaso sida warbaahinta Al Shabab ay baahiyen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor