Dawladda Turkiga ayaa gargaar degdeg ah u soo dirtay dadkii Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobay Qaraxii Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Diyaarad millatariga dalkaasi leeyahay ayaa Maanta kasoo duushay Magaalada Kayseri, iyada oo sida gargaar degdeg ah, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda kasoo degto Garoonka Aadan Cadde.
War ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in Magaalada Kayseri ay ka duushay diyaarad ay leeyihiin ciidanka Turkiga taasi oo sida gargaar lagu caawinayo dadkii Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay qaraxii maanta ee Ex-Control Afgooye ee Muqdisho.
Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayyib Erdogan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Bulshada waxaa uu ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay qaraxii maanta ka dhacay Isgooyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Erdogan ayaa yiri โwaxaan cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee Muqdisho. Labadeenna muwaadin iyo walaalaheyga Soomaaliyeed ee geeriyooday waxaan Eebbe u weydiinayaa naxariis, dhaawacana caafimaad deg-deg ah. Qarankeenna iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha nahay waan u tacsiyeynayaa. Turkey, weligeed Soomaaliya waa garab taagan yahay .โ