Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay geerida Fannaan Qaran Cabdi Cali Bacalwaan

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Cismaan Abokor Dubbe ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyeeyay geerida fannaankii qaranka Allah u naxariistee, Cabdi Cali Bacalwaan oo ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Fanaanka wuxuu muddo isbitaal ugu jirey xanuun la xiriira dhanka neefmareenka oo ugu dambeyn u geeriyooday, dhakhaatiirta la tacaaleysay Cabdi Cali Bacalwaan waxay sheegeen in uu haleeley cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Wasiir Cismaan Dubbe ayaa sheegay in fanaanku kamid ahaa hal abuurada ugu waa weynaa oo qaranka u soo hurey wax kasta isla markaana dhaxal lama ilaabaan ah uga tagay dadka Soomaaliyeed.

Cabdi Cali Bacalwaan wuxuu ka mid ahaa  fannaaniintii ciidanka xoogga dalka la oran jiray ee uu madaxda u ahaa Cismaan-Askari Aadan Xuseenka hor dowladdii Kacaanka.

Wuxuu ahaa heesaa , mu’allif iyo weliba laxamiiste , laxannadiisa waxa ka mid ahaa midka  uu saaray heesta  Afrikaay hurudooy oo uu allifay Ismaaciil Xirsi Farxaan , markii koowaaadna ay qaaday Saynab-baxsan Xaaji Cali Siigaale balse ay Magool ku caanbaxday.

Ka dibna Waaberi ayuu ka mid noqday markiii la aas aasay .

Bishii 7-da bishii Juun mar uu iiga waramayey  taariikhdii Cabdi Tahliil oo ay ehel ahaayeen ayaa isugu kaayo dambaysay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media