Wasaaradda Caafimaadka maamulka Puntland ayaa shaacisay kiisas cusub oo la xiriira Coronavirus xilli baaritaano la xiriira xanuunkaan ay sameynayeen maalmihii lasoo dhaafay.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa lagu sheegya in saacadihii lasoo dhaafay la baaray 51 qof oo 5 ka mid ah laga helay xanuunka safmareenka ah ee Covid 19 , isla markaana la karantiilay dadkaas si bulshada inteed kale aysan ugu sii gudbin.
Dadka xanuunka laga helay ayaa da’dooda u dhaxaysaa 28-sano jir ilaa 42-sano jir waxaana ay kala joogan magaalada Garowe (4) magaalada Galkacyo (1) iyada oo tirade cusub ee ka bogsootay cudurka ay tahay 3-ruux.
Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay deegaanakada maamulka Puntland ee shaybaarku xaqiijiyey ayaa hada gaartay 323 qof , waxaa udhintay 8 qof waxaa ka bogsaday 156 qof.