Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaal khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay Yasooman

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay 20 dagaalame oo Alshabaab ah ay ku dileen deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo ay saakay soo weerareen.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka siina hayay xogta abaabulka weerarka Al-Shabaab ayaa sheegay inay  ka hortageen weerarka kaga yimid dhanka dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Inta lagu jiray hawlgalka waxaa ku dhintay 3 askari, kuwaasi oo la xaqiijiyay geeridooda, waxaana Saraakiisha Ciidanka Dowladda ay sheegeen in AL-Shabaabkii weerarka soo qaaday ay dib ugu celiyeen deegaanadii ay iska soo abaabuleen oo Yasooman u jira 20km.

Hoos ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Dowladda

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor