Haamaha Ogsijiinka oo la shaaciyey inay lama huraan u yihiin carruurta qaba Oofwareenka

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Caruurta ee UNICEF ayaa shaaca ka qaaday in Haamaha Ogsijiinka ay lama huraan u yihiin carruurta qaba Oofwareenka, haweenka dhalmada ku adkaato iyo bukaannada qaba COVID-19.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo tageertay sidii loo heli lahaa Haamaha Ogsijiinta oo ay u baahan yihiin carruurta qaba Oofwareenka.

Sidoo kale Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Caruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in shaqaalaha caafimaadka ee safka hore uga jira badbaadinta carruurta loo tababaray isticmaalka iyo dayactirka qalabka Ogsijiinka.

“Waxaa ku mahadsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, naf walba oo lagu badbaadiyo barnaamij ka socda Soomaaliya. Sidoo kale, shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ayaa loo tababarayaa isticmaalka iyo dayactirka qalabka Ogsijiinta” ayaa lagu yiri Qoraalka hay’adda Hay’adda UNICEF.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor