Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dishay dagaalamayaal ka tirsan AL-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Howlgal qorsheysan oo ciidanka Qaranka oo kaashanayaa saaxiibada hawlgalka Maraykanka ee Africom ay dileen xubno ka tirsan dagaalaamayasha AL-Shabaab.

Howlgalka oo xilli hore oo saakay ah ka dhacay goob 35km Koofur bari uga beegan Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud, ayay saraakiisha Ciidanku sheegeen in lagu dilay 5 ka mid ah dagaalamaayasha AL-Shabab.

waxaana sidoo lagu burburiyey sida ay sheegeen goob wayn oo fariisin u ahayd Al-Shabaaab isla markaana ay ka wadeen abaabul.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya ayaa wada howlgalada lagu dagaalamo Al-Shabab, kwuaasi oo ka socda deegaanada hawdka ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply