Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Bilaabayaan Howlgalo Al shabaab Looga Saarayo Jubooyinka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa ciidammada dalalka ay saaxiibada yihiin waxay dhowaan go’aansatey in la dedejiyo hawlgallada kooxda Al Shabaab looga saarayo gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Hawlgaladani ayaa qeyb ka ah barnaamijka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka ay ku doonayaan baabi’inta argagixisada oo dilal aan loo meel dayin ku haya shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Bishii June 28 ee sannadka 2016, weerar ay wadajir u fuliyeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo waddamada aan saaxiibka nahay ayaa waxaa uu daah-fur u ahaa hawlgalo la doonayo in Al Shabaab looga xorreeyo degaannada Buulo Guduud, Jilib iyo magaalooyinka kale ee ku teedsan webiga Jubba.

Ciidammada Soomaaliya ayaa hawlgaladan ay fulinayaan waxay ka talo geliyeen hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee degaannadaasi, iyagoo ka wadahadley dhibaatooyinka ay kooxda argagixisada ku hayaan shacabka iyo guushii dhowaan ay soo hoyeen ciidammada, markii ay dileen Maxamed Dulyadeyn iyo Macallim Daa’uud oo ka mid ah ahaa horjoogeyaasha kooxda argagixisada.

Ciidammada Soomaaliya iyo odayaasha ayaa isla gartey in bulshada ay si buuxda ula shaqeyso laamaha amniga, ayna soo sheegaan wixii dhaqdhaqaaq ah oo ku saabsan falal argagixisonimo iyo haddii ay jiraan horjoogeyaal kooxda argagixisada ka tirsan oo goobahaasi ku dhuumanaya.

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanayaa taageerada shacabka ayaa dhowr goobood oo degaannadaasi ka mid ah tegey, iyagoo aan wax khasaare ah soo gaarinna dib ugu soo laabtey fariisimadooda, walow warar been abuur ah oo ay faafiyeen argagixisada Al Shabaab ay ku sheegeen inay weerareen kolonyo ka tirsan ciidanka qaranka.

————————DHAMMAAD———————-

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor