Wasiiro Cusub Oo Maanta Lagu Dhaariyay Muqdisho (Sawirro)

Wasiirka caafiimadka iyo wasiir dowlaha Dekahadaha iyo Gaadiidka badda ayaa maanta lagu dhaariyay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada muuqdisho.

Xaflada dhaarinta waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaaji iyo qaar ka mid ah golaha Baarlamaanka.

Wasiirada la dhaariyay ayaa magacyadoo kala yihiin Wasiirka Wasaarada Caafimadka Mudane Maxamed Xaaji C/nuur(Madeer)
Wasiiru dowlaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xildhibaan Luul Cabdi Aadan.

Dhaarinta kadib ayaa waxaa Wasiiradda dar daaran ku aadan waajibaadka saran u jeediyay Godoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar.

“waxaan idinkula dar daarmayaa in aad si daacadnimo ku jirto aad u gudataan waajibaadka idin saran waxaan idin rajaynayaa in aad ka soo dhalaali doontaan xhowlaha la idiin igmaday”sidaa waxaa yiri Gudoomiye ja waari.
wasiir1

wasiir3

wasiir4

wasiir5

wasiir6

wasiir7

wasiir9

wasiitr2

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor