Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobay weerraradii Al-shabaab ee Xalay lagu qaaday xarumo ganacsi iyo Guryo ku yaalla Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle, oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in ay la wadaagayaan Shacabka Soomaaliyeed weerarkii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Dad Soomaaliyeed oo ku sugan Meheradahooda iyo Guryahooda.
Wasiirka oo si gaar ah ugu tacsiyadeeyay Ehelada Dadkii weerarradaasi ku waxyeelloobay.
Mudane; Geelle, ayaa sheegay in ay Al-shabaab  beegsadaan, goobaha ay Bulshado ku isugu timmaaddo, sida Suuqyada, Hoteellada, Dukaamada, Waddooyinka iyo Guryaha la deggen yahay, iyagoo Dadkaasina dembi ugu dhigaya in ay Danahooda haysteen, iyagoo diiddayn in ay ganacsatada Soomaaliyeed maalgashtaan Dalkooda.
Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa muddada dheerayd ee ay Ciidamadu ku qaadatay howl-galka soo Afjariidda weerarka ku macneeyay in ay gabbaad ka dhigteen Dad Shacab ah oo ay Guryadooda ku sugnaa.
Wasiir Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Garab istaagaan Ciidamada Ammaanka,si looga hortago weerarada ka dhan ah Al-shabaab