Meydad horleh oo laga soo saaray dhismayayaal ku yaalla goobta uu weerarka dhacay ee Muqdisho

Waxaa sii kordhaya khasaaraha uu geestay weerarkii xalay lagu qaaday dhismayaal ku yaalla Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo 10 Ruux ayaa laga soo saaray dhismayaasha qaar ee ku yaallay Wadada Maka Al-mukarama sida ay warbaahinta u sheegeen Madaxda Gaadiidka Gurmadka deg deg ah.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Goobta ku sugan kuwaas oo weli la dagaalamaya rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab oo ku jira dhismo ku yaall halkaasi.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media