Dowladda Soomaaliya oo Dalka Dib ugu Soo Celineysa Dhallinyaro Soomaaliyeed

Dhallinyaradaan oo qaarkood Maxaabiis ahaan u heysteen Kooxaha Burcadda ee loo yaqaano Magafayaasha ayaa Dowladda Soomaaliya ku guuleysatay in dib loogu soo celiyo dalkooda.

Xoghayaha kowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya Ayuub Xaashi Ciise ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u sheegay in Dhallinyaradaan diyaarad laga soo saaray dalka Liibiya maalinta baritana lagana soo dajindoono garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Xoghaye ayaa sheegay in Dhallinyaradaan oo tiradoodu gaareyso 14 ay safaaraddu u dhameystirtay dhammaan waxyaabihii ay u baahnaayeen .

Safaarada Soomaaliya ay dadaal badan ku bixisay sidii muwaadiniitani Soomaaliyeed ee guud ahaan ku jira xabisyada dalkaasi dib loogu soo celin lahaa dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor