Dowladda Somalia oo war kasoo saartay go’aan kasoo baxay Bangiga horumarinta Afrika

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qoraal uu bartiisa xiriirka Bulshada soo dhigay waxa uu kusoo dhaweeyay go’aannada wax ku oolka ah ee ka soo baxay hay’adda lacagta Adduunka IMF iyo Bankiga horumarinta Afrika oo go’aamiyay habkii ay ku cafin lahaayeen deynta Soomaaliya lagu leeyahay.

“Hadaan nahay Soomaaliya Dadaalkeenii wuu muuqdaa, waana ku farxi karnaa”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo hadalkiisa ku daray “Dadaalkani waa taariikhi, laakin intaan ka badan oo horumar ah ayaa inoo haray, kamana caajisidoono inaan ka miro dhalino hadafkeena ah guusha Soomaaliya”.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in hay’adaha kale iyo dalalka Soomaaliya deymaha ku leh inay ku dhawaaqaan go’anno la mid ah kuwan oo kale.

Barnaamijka wada hadalka deyn cafinta Soomaaliya ayaa socday saddexdii sanno ee la soo dhaafay, waxaana haatan uu marayaa heer go’aanno laga gaaro deyn cafinta Soomaaliya, taasi oo Soomaaliya u horseedeyso inay dib u hesho xiriirka dhaqaalaha caalamiga ah iyo maalgelin horseedo kobaca dhaqaalaha iyo yareynta faqriga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media