Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerar lagu dilay dad isku qoys ahaa oo habeenkii xalay aheyd lagu laayay degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur, xili ay ku sugnaayeen Gurigooda oo ku yaalla halkaas.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa si kulul u Cambaareeyay weerarkii lagu laayay dadkii isku qoyska ee isugu jiray Hooyo, Caruurteeda, Aabahood iyo xubno kale, kaasi oo ka dhacay degmada Waajid.
Qoraal uu soo saaray Wasiir Cabduqaadir Maxamed ayuu ku sheegay in weerarka oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ay ka dambeeyeen, xubo ka tirsan Al-shabaab, wuxuuna tacsi u diray dadkii ehelada qoyskii la laayay iyo shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan guud ahaan ummada Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa qoyskii Soomaaliyeed ee xalay si wadar ah Al-shabaab ugu laayeen Degmada Waajid iyagoo gurigooda jiifa. In hooyo uur leh iyo caruur la laayo keliya waxay ka suurowdaa damiir laawayaasha Alshabaab. Waxaan qoyskii qaraabadii iyo dhamaan reer Waajid leeyahay samir iyo iimaan Ilaahey hanaga siiyo, iyagana qabrigooda allaha u waasaciyo Janatul Firdowsana ka waraabiyo†ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed.
Inta la xaqiijiyay 7 ruux oo isku qoys ahaa ayna ku jireen Hooyo, Caruurteeda, Aabahood oo ahaa Askari ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka,  iyo xubno kale  ayaa ku geeriyooday weerarka oo loo adeegsaday rasaas xoogan, waxaana ku dhaawacmay dad kale.
Warar ayaa intaas kusii daraya in markii hore Askariga ka tirsan Ciidanka ee ku sugnaa Guriga uu iska caabin ku sameeyay ragii weerarkii soo qaaday, wallow markii dambe rasaasta ay ka dhammaatay, kadibna guriga loogu galay, sidaasina lagu laayay qoyska.