Dowladda Somalia oo War kasoo saartay Cudurka Coronavirus

War-saxaafadeed kasoo baxay Waaaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliy ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay si dhow ula socoto xaaladaha Cudurka Coronavirus ee ka dilaacay dalka Shiinaha.

Qoraalka Wasaarada Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in aysan jirin ilaa iyo haatan qatar la xiriirta cudurka, sidoo kalena uusan jirin qof isagoo aan soo marin hab raacyada lagu hubiyo cudurka ama laga shakisan yahay oo dalka soo galay.

Ugu dambeyntii Qoraalka ayaa waxaa warbaahinta dalka iyo kuwa Caalamiga ah loogu baaqay in aysan baahin war bixinada xasaasiga ah ee la xiriira cudurkan oo aan la abuurin walaac aan jirin.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Waaaarada Caafimaadka dowladda Soomaaliya.

Waaaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxa si dhow ula socotaa xaaladaha cudurka Cronavirus ee dunida waxayna sidoo kale odorostaa faafidda cudurka, la socodka xaaladaha iyo ka warqabka isku gooshka dadwaynahaya ku nool dalalka uu saameeyay cudurkaani.

Wasaaradda Caafimaadku waxay u xilsaartay guddi si joogta ah uga shaqeeyo arrimaha la xiriira cudurka Cronavirus, waxayna xiriir joogto ah oo rasmi ah la leeyihiin dhamaan hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqada leh caafimaadka iyo isku-gooshka, sidoo kale waxaa joogto ah xiriirka wada shaqayn ee laamaha socdaalka, shirkadaha diyaaradaha iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh isu socodka iyo isku-gooshka dadwaynaha.

Heerarka kala duwan ee Wasaaradaha Caafimaadka (Federaal & Maamul Goboleed) waxay heegan buuxda galiyeen shaqaalahooda xarumaha dalka laga soo galo iyadoo ruux walba uu musaafir ah uu marayo baarista asaasiga ah ee lagu hubinaayo xaaladiisa caafimaad sidoo kale la xaqiijinaayo socdaalka iyo goobaha uu soo maray.

Wasaarada Caafimaadka Federaalka Soomaliya waxay xaqiijinaysaa in aysan jirin ilaa iyo haatan qatar la xiriirta cudurka mana jirto qof isagoo aan soo marin hab raacyada lagu hubiyo cudurka ama laga shakisan yahay oo dalka soo galay.

Muwaadiniinta iyo ajaanibta la xaqiijiyey inay ka badqabaan cudurka ee soo galay dalka waxay Wasaarada Caafimaadka la socotaa xaaladohooda waxayna marisay hab raaca diiwan galinta iyo xaqiijinta faya qabkooda.

Wasaarada Caafimaadka waxay ku boorinaysaa dhamaan war baahinta dalka iyo kuwa caalamiga ahba inaan la faafin war bixinada xasaasiga ah ee la xiriira cudurkan oo aan la abuurin walaac aan jirin.

Waxaan ku adkeeynaynaa dhamaan warbaahinta iyo dadweynahaba in warbixinta cudurka cronovirus aan laga qaadin meel aan Wasaarada Caafimaadka ahayn.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media