Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Madaxda Olalaha Isxilqaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay mutadawiciinta hormuudka u ah Olalaha Isxilqaan ayaa ku dhiirrigeliyey in ay kordhiyaan dadaalkooda si degdeg loogu soo gabagabeeyo dib u dhiska Caasimadda, looguna gudbo wajiga labaad ee Olalahan oo lagu hormarinayo guud ahaan gobollada dalka.

Mutadawiciintan oo isugu jira Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixin ku saabsan goobaha dib loogu dhisayo Ololahan ee ilaa haatan gabogabada maraya oo ay ka mid yihiin Tiyaatarka Qaranka, Madxafka, Maktabadda, Taalooyinka iyo Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyay sida wadaniyadda leh ee shacabka Soomaaliyeed ay ugu hureen dib u dhiska dalkooda maal iyo muruq, taas oo horseedeysa in dib loo soo celiyo goobihii muhiimka u ahaa bulshada iyo bilicda dalkeenna.

“Shaqadan muhiimka ah ee aad heysaan waa mid wax taraysa mustaqbalkeenna iyo kan ubadkeenna. Waxaan idin ku bogaadinayaa in aad sii xoojisaan doorka aad ka qaadaneysaan Ololahan, muwaadiniinta kalana aad ku wacyigalisaan idinkoo dareensiinaya qiimaha uu leeyahay”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dul istaagay sooyaalka dadka Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay si mutadawacnimo ah u dhistaan dalkooda oo ay aaminaan gacmahooda, isaga oo si faahfaahsan u soo bandhigay mashaariicdii, xarumihii iyo goobihii taariikhiga ahaa ee dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay wadajirka u hirgaliyeen oo ilaa maanta la intifaacsado.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media