Dowladda oo War kasoo saartay Duqeyn lagu dilay xubno Al-shabaab ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Ciidanka Dowladda Mareykanka (AFRICOM) ayaa duqeyn ka gaystay Magaalada Saakow ee dhacda gobolka Jabbada Dhexe ee Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay labo ka mid ah madaxda sare ee Al-shabaab halka mid kale na lagu dhaawacay iyada oo lagu baabi’iyey xero ciidan oo ay Al-shabaab halkaa ku lahayd waa sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagvu sheegay in duqeynta aysan Khasaaro ah kasoo gaarin dadkii shacabka ahaa ee goobta ka Agdhawaa.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa sanadkaan 2020 gudihiisa waxaa deegaano ka Gobolka Jubbada Dhexe ay ka fuliyeen duqeymo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo kuwa lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media