Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa shalay daah-furay kulan tobabar ah oo lagu laga ga hadlaayey dhiiri-gelinta Maal-gashiga kaas oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda IFC oo ka tirsan Baanka Adduunka.
Kulankan oo ka qabsoomay magaalada Adis-Ababa, ayaa socon doona muddo saddex cisho ah, waxaana ka wada qeyb-galay dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyada oo diiradda lagu saarayo sida loo horumariyo dhinacyada kala duwan ee Maal-gashiga.
Agaasimaha, ayaa safarkiisan shaqo waxa ku wehelinaayey Madax ka tirsan Wasaaradda, kuwaas oo halkaas u jooga siddii kor looggu qaadi lahaa dedaalka Wasaaradda ee ku aadan in dalka loo soo jiido Maal-gashadayaal Caalami ah iyo kuwo Gudeed-ba.