Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo xalay degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay Wiil dhalinyaro ah kana mid ahaa dadka deegaanka degmadaas.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa waxaa magacaabiisa lagu soo gaabiyay Munasar, waxaana falka loo geystay uu ka dhacay xaafadda Kaawo Godey dhinaca dharkeenley, isagoo u geeriyooday raasas ku dhacday.
Dad la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxaa u sheegeen in dilka loo geystay Munasar uu ahaa mid ku dhacay si lama filaan ah, isla markaana Askariga dilka geystay iyo Marxuumka ay labadooda saaxibo ahaayeen.
“Isaga oo banaanka ka yimid wiilka la dilay ayuu soo galay meel laga buuxo, si kalsooni leh ayuu Saaxibkii oo ahaa Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda isugu duubay, Askariga wax dilay oo aan hubsan ayaa la soo baxay bastoolad, waxana uu sidaas ku dilay qofkii gadaal ka taagnaa, isaga oo aan eegin cidda ay tahay, wuxuuna ahaa Saaxibkiis Munasar” ayuu yiri qof Goobjooge ahaa.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Wiilka la dilay uu Maktabad Buugagta lagu iibiyo ku lahaa Xaafadda Kaawo Godey ee Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, waxaana Meydka goobta uu falka ka dhacay kasoo qaaday dad halkaas ka Agdhawaa.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo tegay goobta ayaa waxaa la sheegay inay gacanta kusoo dhigeen Askariga ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ee dilay Marxuum Munasar.