Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Xil-gaarsiinta Somalia , Maxamed C/risaaq Maxamuud Abuubakar ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Telefishinka TRT World ee Turkiga, wuxuuna soo cusbooneysiiyey Casuumaadda uu dhigiisa Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu ku imaan doono magaalladda Muqdisho.
Mar wax laga weydiiyey Dib-u-dhacaasi waxa uu Wasiirku ka gaabsaday inay jireen daruufo uusan shaacinin, balse ay weli taagan tahay Casuumaadaasi.
Bishii April ee sanadkan ayuu qorshuhu ahaa inuu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu booqasho ku yimaado Somalia, balse, Socdaalkaasi ayaa dib-u-dhacay sababo aan la shaacinin, inkastoo loo badinayo baaqashadaasi sababo la xiriirta Xiisadii Siyaasadeed ee xilligaas u dhexeysay DFS iyo Murashixiinta Mucaaradka.
Wasiirku waxa kale oo wax laga weydiiyey waxa ay isaga iyo dhigiisa Turkiga ka wada hadli doonaan waxa uu xusay inay isla eegi doonaan Qoddobo Guud oo ay ka mid yihiin Xiriirka Iskaashiga, Amniga, Horumarinta, Dhaqaalaha, Samafalka iyo Maalgashiga.
Wareysiga uu Wasiirka siiyey Telefishinka TRT World waxaa kaloo wax laga weydiiyey in Askarta tababarka loogu diray Eritrea ka dagaalameen Gobalka Tigrayga, waxa uu gaashaanka ku dhuftay arrintaasi, kunja tilmaamay Warkaasi mid marin habaabin ah, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa uu soo hadal-qaaday Guddiga uu RW Rooble u xil saaray Arrintaasi, iyadoo ay Waalidiin badan walaac xooggan ka muuiyeen Daruufaha ay Ciiddankii loo qaaday Eritrea ku sugan yihiin.
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Xil-gaarsiinta Somalia waxaa kaloo wax laga weydiiyey Hawlaha Diyaar-garowga Doorashada iyo dagaalkii bishii April ka dhacay Muqdisho, waxa uu qiray inay jireen caqabado iyo Is-faham La’aan dhanka Nidaamka Qabsomida Doorashooyinka soo socda.
Waxa uu intaasi ku daray inay Madaxda DFS, kuwa Dowlad-gobaleedyada iyo Mucaaradka gaareen Heshiis loo dhan yahay, isla markaana RW Rooble hayinka u hayo Maaraynta iyo Amniga Doorashooyinka, isla markaana ay Hawluhu si fiican u socdaan.
Wasiirka waxaa kaloo wax laga weydiiyey Dib-u-soo-celinta Xiriirka Somalia iyo Kenya, wuxuuna tilmaamay inay labada waddan yihiin deris aan kala maarmi Karin, isla markaana ay weli socdaan Kulamo Heshiis looga gaari doono Xiriirka Amniga, Ganacsiga iyo Is-dhex marka dadyowga labada dal.
Waxa uu soo hadal-qaaday Dacwada Muranka Xuduud-baddeedka ee Somalia iyo Kenya, isagoo sheegay in laga war dhowrayo Natiiadda Xukunka ee Maxkamadda Caalamiga ee ICJ.