Golaha Wasiiradda ee Somalia waxay shalay go’aamiyeen in shaqada laga joojiyo Hay’adda laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Nile Academy, taasi oo lala xiriirinayo inay gacan-saar la leeyihiin Kooxdii ka dambeysay Afgembigii fashilmay ee lala maaganaa Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan.
Xukuumadda Federalka waxay Hay’adda Nile Academy u qabatay inay muddo hal isbuuc ah isaga huleelaan Somalia.
Qoraalka ka soo baxay Xukuumadda Federalka ayaa lagu sheegay in Hay’adda Nile Academy oo Dugsi wax laga bartay magaalladda Muqdisho ay xiriir la leedahay Kooxda Argagixisadda ee loo yaqaano FETO/PDY iyo Sheekh Fatxullahi Guleen oo ku lug lahaa Afgembigii guul-daraystay ee Jimcihii lala maaganaa Madaxweynaha Turkiga.
Dhinaca kalae, Xukuumadda Somalia ayaa sheegtay iyadoo lala kaashanayo Dowladda Turkiga in Maamul cusub loo soo magacaabi doono Dugsiga ay Nile Academy maamusho
Go’aanka ay Xukuumadda Federalka Somalia ku gaaray in dalka laga cayriyo Hay’adda Nile Academy ayaa yimid, iyadoo ay Dowladda Turkiga cagta marisay Saraakiishii iyo Askartii ka dambeysay Afgembigii Fashilmay.
Ra’isul-wasaaraha Turkiga, Binali Yildirim ayaa sheegay inay la xiray 2,839 xubnood oo ku lug lahaa Afgembiga fashilmay, kuwaasi oo ay jiraan Saraakiil sarsare.