Madaxda Dowladaha Afrikaanka oo uu ka mid yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta Shirweyne uga furmo caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali.
Shirkaasi ayaa waxaa Ajendayaasha looga hadlayo figta sare kaga jira Doorashadda qofka beddeli doona Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Nkosozana Dlamini Zuma, Baasaboorka ui gaarka Qaaradda Afrika iyo sidii loo diidi lahaa Go’aanadda Maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ee ICC ee ka dhanka ah Madaxda Afrika.
Hoggaamiyayaasha waxay kaloo iska eegi doonaan Maalgelinta Miowga Afrika ee Hawlgalladda Nabadda iyo Ammaanka ee ka socda Qaaradda Afrika iyo Iskaashiga Horumarinta Afrika ee NEPAD iyo Qorshaha Biyaha ee Afrika.
Dhinaca kale, Shir Madaxeedka Hoggaamiyayaasha Dowladaha Afrika maanta uga furmayo caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali waxaa kaloo ka qeyb galayo Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moo iyo Madaxweynaha dalka Sudan, Jenral Omar Hassan Albashiir, kaasi oo ay Maxkamadda ICC horey u amartay in la soo xiro.
Dowladda Ruwanda waxay sheegtay inuu Madaxweyne Bashir iyada marti u yahay, lana xiri Karin inta uu ku sugan yahay dalkooda.