Danjiraah Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si weyn uga hadlay xiriirka diplomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha,isagoo xusay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheere oo saaxiibtinimo ku dhisan.
Safiirka ayaa balanqaaday in uu ka shaqeyn doono sidii dowladda Shiinaha ay u sii xoojin lahayd mashariicda horumarineed oo ay ka waddo Soomaaliya,xili uu booqasho ku yimid wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya,oo uu kula kulmay wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Sheekh Daahir Maxamuud Geele iyo mas’uuliyiin kale.
Mr Qin Jian Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya oo kulan ay wadda qaateen Wasiirka Warfaafinta iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaaradda ayaa isla soo qaaday arrimo badan oo ay kamid tahay sidda loo xoojin karo wada-shaqeynta Wasaaaradaha Warfaafinta ee Soomaaliya iyo Shiinaha.
Wuxuu danjiruhu sharxay dareenkiisa ku aadan in uu ka shaqeeyo Soomaaliya iyo sidoo kale booqashadiisa xarunta wasaaradda.
“Maanta waxaan soo booqanay xarunta wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee dowlada Soomaaliya, waxaaana la kulanay wasiirka wasaarada warfaafinta, iyo Agaasimayaashaba, waxaana ka wadahahadalnay sidii aan usameyn laheyn xiriir dhow oo iskaashi, sidaaad la socotaan soomaaliya iyo shiinaha waxay leeyihiin xiriir qoto dheer oo soo jireen ah, shiinahana waxay soomaaliya ka taageertay mashaariic badan sida dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, iyo waxyaabo kaloo muhiim ah, sidaas darteed waxaan ballaan qaadeynaa inaan sii ballaarino taageerida aan siino soomaaliyaâ€ayuu yiri safiirka shiinaha ee soomaaliya.
Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya waxaana lagu xusuustaa mashaariic horumarineed oo badan.