قريبا .. استقدام «العمالة المنزلية» الصومالية و10 آلاف عاملة جاهزة للقدوم
In ka badan 10,000 Shaqaale Somali ah ayaa la filayaa in ay u shaqo tagaan dalka Sacuudiga, kadib, marka ay Dowladaha Somalia iyo Sacuudiga dhamaystiraan saxiixa Heshiiska Is-fahamka ee qorista Shaqaalahaasi.
Wargeyska Al Eqtisadiya ee ka soo baxa dalka Sacuudiga ayaa qoray in la dhamaystiray Heshiiska horseedayo in ka badan 10,000 oo Shaqaale Soomaali ah uga hawl bilaabaan dalka Sacuudiga.
Ilo ku dhowdhow Diplomaasiyiinta Soomaalida ayaa u sheegay Wargeyska Al Eqtisadiya in la filayo inuu Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshadda Somalia dhawaan booqdo Sacuudiga, si uu u dhigiisa dalkaasi ula soo saxiixdo Taabagelinta Heshiiskaasi, iyadoo Shaqaalaha ugu badan ee la qaadanayo yihiin Haweenka ka shaqeeya Guryaha iyo Xafiisyadda iyo Ragga Dareewallada ah.
Bishii April ee sannadkii hore, Wasiir-ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee Somalia, Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in Wejiga Koowaad ee Shaqaalaha loo qaadayo Sacuudiga dhan yihiin 2,000 oo Shaqaale, kuwaasi oo badankooda noqonaya Shaqaalaha guryaha ka shaqeeya iyo Dareewalo.
Dhinaca kale, Ilo-wareedka Diplomaasiyiinta Soomaalida ee la hadlay Wargeyska Al-eqtisadiya ayaa sheegay inay Safaaradda Somalia ku leedahay Sacuudiga dhowr Codsi ka heleen Hay’addo Sacuudi oo Shaqaale-doon ah, kuwaasi oo doonaya inay qortaan Shaqaale Somaali oo meelo badan Takhasus iyo Khibrad u leh.
Waxa uu intaasi ku daray in Qorista Shaqaalaha Soomaalida inay dhex mari karaa oo keliya Wakaaladaha iyo Shirkadaha Labada Waddan, sida uu dhigayo Shuruudaha ku xusan Heshiiska ay Labada Dowladood wada saxiixdeen.
Dad Somali ah oo ka shaqeysta gudaha Sacuudiga ayaa waxaa qortay Hay’addo Shaqaale oo aan Sharci Rasmi lahayn, taasi oo inta badan keenta in Shaqaalaha Soomaalida lagu xad-gudbo Xuquuqdooda iyo Sharaftooda.
Links: aleqt.com/2017/01/01/article_1114453.html
Xigasho: Al Eqtisadiya
WQ. Ahmed Hagi Ugaaska,
©Radio Dalsan