Cilmi-baaris ay samaysay Hay’adda Daarul-ifta ee dalka Masar ayaa lagu muujiyey inay Maleeshiyadda Daacishta Somalia soo wajaheen marxallad adag iyo inuusan u sahlanaan doonin inay ku sii nagaadaan Somalia, iyadoo ay Xarakadda Alshabaab caqabadda Koowaad ku noqotay Hamigii Is-ballaarinta Kooxda Daacish ee Somalia iyo dalalka Geeska Afrika.
Daraasaada waxaa kaloo lagu xusay inay Kooxda Daacish ku fashilantay qorshihii ay ka lahayd Somalia si ay uga samaystaan Saldhigyo ay kaga sii faafaan dalalka kale ee Gobalka.
Cilmi-baarista waxay tilmaamtay inay Xarakadda Alshabaab laashay Beecadii uu u soo jeediyey Hoggaamiyaha Daacish, Abu Bakar Al-baqdaadi, inkastoo ay Madaxa Daacish ee Somalia, Sheekh C/qaadir Muumin iyo xubno kale oo sheegtay inay ka goosteen Alshabaab, kuna dhawaaqeen inay ayidsan yihiin Beecada Hoggaamiyaha Daacish, Abu Bkaar Al-baqdaadi.
Cilmi-baarista ayaa lagu muujiyey in Qorshaha Daacish ee Somalia ahayd inay meesha kala wareegaan Xarakadda Alshabaab oo Isbahaysi la ah Ururka Alqaacida, balse, aysan Daacish awoodin inay u itaal sheegtaan Alshabaab oo la sheego inay leeyihiin cudud ciiddan oo gaaraya 3,000 ilaa 7,000 oo Dagaalyahan.
Si kastaba ha ahaatee, Dagaalamayaasha Daacishta Somalia ayaa ka hawlgala Buuraha Galgala iyo qeybo ka mid ah Gobalka W/bari ee Somalia, waxaana bishii hore laga saaray Degmadda Qandala oo ay haysteen tan iyo bishii October ee sannadkii hore.
©Radio Dalsan