Tirada kiisaska COVID-19 ee dalka Soomaaliya oo gaaray 3,371

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay Dad cusub oo laga helay Cudurka COVID-19, xili Cudurka uu muuqdo mid kasii yaraanaya dalka Soomaaliya.

Warbixin kooban oo lagu daabacay Bogga Wasaaradda Caafimaadka dowladda ayaa waxaa lagu sheegay 72-tii saac ee ugu dambeeyay laga baaray cudurka 385 ruux, isla markaana laga helay 9 qof.

6 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay Somaliland, 2 dowlad Goboleedka Puntland iyo Gobolka Banaadir oo hal ruux laga diiwaan-geliyay, kuwaasi oo dhammaantood ah rag, mana jirin dad ka bogsaday Cudurka oo la  shaaciyay.

Tirada guud ee xaaladaha Cudurka COVID-19 ee dalka Soomaaliya laga diiwaan geliyay waxey noqdeen 3,371, waxaa ka bogsooday 2,738ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 97.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media