Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Abukar Dubbe ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Wariye Axmed Xuseen Caddow.
Marxuumka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayey Isbitaalka Yerdameli ee Muqdisho, waxaana ku dhacay xanuunka dhinaca wadnaha, iyadoo dhaqaatiirka Isbitaalka ay sheegeen in dalka waxba looga qaban karin.
Wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Ehelka, qaraabada iyo dhamaan bahda Saaxafada ee uu ka baxay Axmed Caddow, isaga oo Alle uga baryey in uu naxariista Janno ka waraabiyo.
Allaha u naxariistee Axmed Xuseen Caddow waxaa uu ka howlgalayey Warbaahinta Dalsan Media, wuxuuna sidoo kale horay uga soo shaqeeyay warbaahino kale duwan oo dalka ka howlgalo.
Marxuumka ayaa waxaa uu ifka kaga tegay Xaas iyo saddex Carruur ah, isla markaana waaxaa uu ahaa shaqsi aad u firfircoon oo dabeecad wanaagsan, waxaana Maanta lagu aasay qaruubo ku yaalla Iskuul Buluusiya ee Magaalada Muqdisho.
Allaha u naxariisto Wariye Axmed Caddow. AAMIIN AAMIIN.