Ra’iisul Wasaaraha magacaaban oo la kulmay Mahdi Guuleed iyo Xildhibaano

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

Kulanka ayaa ahaa mid is-barasho ah, waxaana Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Xildhibaannada wehliyay ay Ra’iisul Wasaaraha  magacaaban ugu hambalyeeyeen xilka Cusub ee u magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mahdi Guuleed iyo Xildhibaanada ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u sheegay inay taageersan yihiin, isla markaana garab istaagi doonaan, si uu u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday.

Maalinta barri ayaa la filayaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka la horgeeyo Ra’iisul Wasaaraha Cusub, si codka kalsoonida loogu qaado, iyadoo lagu wado marka la ansixiyo in maalin kaddib la soo dhiso Xukuumad Cusub.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media