Senator Shehu Sani oo ka tirsan Barlamaanka Federalka ee dalka Nigeria waxa uu ka hor yimid Go’aankii ay Dowladda Gini ku aqoonsatay Maamulka Somaliland oo weli qeyb ka ah Waddanka Somalia.
Qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa waxa uu ku muujiyey inay Dowladda Gini ama dal kasta oo ka tirsan Galbeedka Afrika ku qaldan yihiin Heshiis nooc kaasta ah oo ay ku aqoonsadaan Somaliland ama qeyb kale oo sheegata inay ka go’day dalka Somalia.
“Waxaa jirta oo keliya “Hal Somali, waana halka aynu taaganahay, isla markaana ku si inagaan doonta Isbedal la’aan” ayuu yiri Senator Shehu Sani, oo intaasi ku daray in Muranka ama Tartanka ka jira Somalia iska tahay xaallad oo maalin noqon doonta wax Taariikhi ah.
Senator Shehu Sani waxa uu u ololeeyaa Xuquuqda Rayidka , waana Siyaasi aaminsan Aragtida Midnimadda Guud ee Afrika ee Pan Africanism.
Aragtida Senator Shehu Sani ayaa waxay ku soo beegantay, xilli ay DFS xiriirkii Diplomaasiyadeed u jartay Dowladda Gini, kadib, markii uu Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi dhawaan booqasho ku tegay caasimadda dalkaasi ee Konakari.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda dalka Gini weli kama aysan hadlin Go’aanka DFS ugu jartay Xiriirka Diplomaasiyadeed, waxaana laga yaabaa inay xiisadaasi saamayn ku yeelan doonto Khilaafka Diplomaasiyadeed ee ka aloosan Geeska Afrika