Laba Mraakiibta dagalka ah oo laga leeyahay dalka Iiran ayaa ku soo wjahan Xeebaha dalk Soomliya ku waas oo ka qeyb qaadan doona la dagaalanka kooxaha Burcad Baddeeda Soomaalida.
Maraakiibtaan ayaa hada ku soo dhaw Xeebaha dalka Cuman iyadoo mudo ka dib uu u soo gudbi doono Badweynta India ee Soomaaliya,si uu uga qeyb noqdo dagaalka lagula jiro Kooxaha Burcad Badeedda.
Dowladda Iiraan ayaa horay sidaan oo kale Maraakiib dagaal ugu soo dirtay Soomaaliya balse ay dib u laabteen markii  la waayay Kooxaha Burcad Baddeeda balse hada markale dib u soo laabtay.
Mrkii ay Maraakiibtaan soo gaaraan Biyaha Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ku biiraan Maraakiibta kale ee Ururka NATO,kuwaas oo ku sugan Xeebaha Soomaaliya.
Dowladda Iiraan ayaa ka mid ah dowladdaha dhowr mar Xeebaha Soomaaliya looga afduubtay Maraakiibteeda  balse markii dambe wadahadal dhex maray Kooxihii afduubtay markabkaas iyo Madaxda Iiraan lagu sii daayay.