Wasiirka Warfafainta ee dalkaasi, Sheiif Bojang ayaa hadalkaasi ka sheegay Telefishinka Qaranka ee Gambiya, wuxuuna Maxkamadda Caalamiga ee ICC ku eedeeyey inay caadi ka dhigatay inay Hoggaamiyayaasha Afrika oo keliya ku soo oogaan Dacwado Dembiyo Dagaal ah.
Waxa uu intaasi ku daray inuusan jirin Hoggaamiye Reer Galbeed ah oo looga yeeray Maxkamadda ICC ee Xarunteeda dhexe ku taallo magaalladd Hayg ee dalka Holland.
Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Maxkamadda ICC laashay dacwad loo haystay Ra’isul-wasaarihii hore ee Britain, Tony Blair dembiyaddii dagaalka ee ay Xukuumadiisa ka gashay dadka Reer Iraq.
Ku-dhawaaqista Dowladda Gambia inay ka baxayso Maxkamadda Caalamiga ee ICC ayaa ku soo beegantay iyadoo Dacwad-oogaha xilligan ee Maxkamadda ICC, Fatou Bensowda oo horey u ahayd Wasiirka Caddaaladda ee dalka Gambia.
Dhinaca kale, Dowladaha Koonfurta Afrika iyo Burundi waxay bilowgii bishan ku dhawaaqeen inay isaga baxeen Maxkamadda ICC, iyadoo Dowladaha Kenya iyo Namibia ka fekerayaan inay isaga baxaan Maxkamadda ICC oo la dhisay sannadkii 2002-dii.
©Radio Dalsan