Maleeshiyadda Daacish ayaa la sheegay inay ugu yaraan 30 qof oo rayid ah ku dileen Degmadda Firooz Kooh ee Gobalka Gohor ee dalkaasi.
Afhayeenka Maamulka Gobalka Gohor, C/xayi Khatiibi ayaa sheegay inay Maleeshiyadda qafaasheen dadkaasi, iyagoo ka caraysan Hawlgal ay Ciiddanka shalay ku dileen Hoggaamiye ka tirsan Kooxda Daacish.
Waxa uu u sheegay Wakaalladda Wararka AP inay afduubka iyo dilkaasi geysteen Koox sannadkii hore ka go’day Ururka Daalibaan, kuna biiray Kooxda Daacish.
Shalay ayey ahayd, markii ay Daacish sheegteen weerar ka dhacay dalka Pakistan, laguna dilay in ka badan 60 Askari oo ku sugnaa Xero lagu tababaro Boliska dalkaasi.
©Radio Dalsan