Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay qaraxii lagu dilay nabadoono caan ka ahaa Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo lagu qarxiyey deeegaanka Aaqobeey ee Gobolkaas.
Wasaaradda ayaa sheegtay in falkaan lagu qarxiyey nabaddoonada uu ahaa shirqool iyo dhagar ay sheegeen inay Al-shabaab u dhigeen odoyaasha dhaqanka oo u socday in ay soo daayaan shacab oo u afduubna, waa sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in Al-shabaab ay wadada miino u geliyeen gaari ay ku safrayeen nabadoonada, xilli ay marayeen deeegaanka Aaqobeey oo ku yaalla inta u dhaxeysa Baladweyne iyo Buulaburde ee galbeedka Hiiraan.
Dowladda ayaa tacsi dirtay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaskii ay nabadoonnadu ka baxeen, waxayna ku baaqday in meel looga soo wada jeesto Shabaabka, waa sida hadalka u dhigtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Qaraxa ka dhacay deegaanka Aaqobeey ee Hiiraan ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen nabaddoono ay ku ku jireen nabadoon Yuusuf Fiidow iyo wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow, nabadoon Mukhtaar Xaaji iyo nabadoon Xasan Xuseen Lugayare, kuwaasi oo ku dhinta qaraxa, sidoo kalena lagu dhaawacay nabaddoon Axmed Xasan.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in gaariga ay saarnaayeen nabaddoonada lala beegsaday duqeyn diyaaradeed oo ay fulisay diyaarad ay leeyihiin Mareykanka, sidoo kalena duqeynta lagu dhaawacay nabaddoono kale.