Faah faahin Duqeyn diyaaradeed oo dhacday Gobolka Jubbada Hoose

Diyaaradaha nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drones-ka ayaa waxa ay duqeyn ka fuliyeen deegaanka duleedka ka ah Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaan 25km u jira deegaanka Kaamjiroon oo duleedka ka xiga Magaalada Kismaayo.

Duqeyntaas ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday Qoys reer miyi ah oo ku noolaa deegaan waxyar u jira deegaanka Kaamjiroon,waxana la sheegay in ay halkaasi ku dhinteyn ilaa Saddex qof oo ka mid ahaa qoyskaas.

Sidoo kale duqeyntaas ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 7 Ruux sida uu sheegay Xildhibaan Iftiin Xasan Baasto oo ka mid ah Xildhibaaanada Federaalka Soomaaliya balse laga oo doortay deegaanada Maamulka Jubbaland.

Waxa uu sheegay in halka la duqeeyey aysan joogin dagaalamaayasha Al-Shabaab balse dadka la beegsaday ay ahaayeen dad Shacab ah,kuwaas oo ka soo gaartay duqeyntaas khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Isaga oo la hadlayay idaacadda Voa-da laanteeda Afka Soomaaliga ayuu sheegay in marnaba aan laga aqbaleyn dowladaha taageera Soomaaliya in dadka Shacabka ah ay beegsadaan,waxa uuna sheegay in duqeyntaas iyo duqeymaha kale ay fulinayan in ay horgeyn doonaan Guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya si ay wax uga weeydiiyaan Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga.

Sikastaba diyaaradaha Mareykanka ayaa tiro ka dhowr jeer sidaan oo kale waxa ay duqeymo uga fuliyeen deegaano ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya,iyaga oo beegsaday saldhigyo ay Al-Shabaab leeyihiin iyo sidoo kale goobo ay dad rayid ah ku sugnaayeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media