Ra’isul-wasaaradda dalka Britain, Theresa May ayaa sheegtay inay danaynayaan inay Xarun Milliteri ka dhistaan Caasimadda Somalia ee Mogadishu.
Sida maanta lagu shaaciyey Websaytka Wakaalladda Wararka Al-mustaqila (Independent Press Agency) waxay Theresa May sheegtay inay diyaar u yihiin inay Xarun Milliteri ka furtaan magaalladda Muqdisho.
Hadalkeeda ayaa soo baxay, kadib, markii ay horey u sheegtay inay 900 Askari u soo diri doonaan Somalia 18-ka bilood ee soo socda, si ay Tababar iyo Talooyin u siiyaan Ciiddanka Dowladda Somalia iyo kuwa Hawlgalka AMISOM ee dagaalka kula jira Xarakadda Alshabaab.
Dowladda Britain oo bartamihii sannadkan ka baxday Ururka Midowga Europe “EU”-da ayaa u muuqata inay dardar gelinayso Taageeradda ay siiyaan Dowladda Federalka iyo Ciiddanka Somalia iyo kuwa AMISOM.
Ra’isul-wasaaraha Britain oo dhawaan Khudbad ka jeedisay Shirweynaha 71-aad ee Golaha Guud ee QM uga socda magaalladda New York, waxay carrabka ku dhuftay inay Britain marti-gelin doonaan sannadka soo socda Shirweyne looga hadlayo Dib-u-dhiska Hay’addaha dalka Somalia, waxayna Dowladaha Caalamka ugu baaqday inay kordhiyaan Taageeradda ay siiyaan Somalia.
Dowladda Britain waxay sannadihii 2012-kii iyo 2013-kii marti geliyeen 2 Shirweyne oo Caalami ah oo looga hadlay sidii Taageero Dhaqaale, Siyaasad iyo Amni loo siin lahaa Dowladda Somalia iyo Dib-u-dhiska Ciiddanka Qaranka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Theresa May sida ay Dowladda Britain dadaalka ay ugu jirto Taageeridda Somalia.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inay Somalia iyo Britain leeyihiin Xiriir Khaas ah, gaar ahaan dhinacyadda Ammaanka, Siyaasadda, Horumarinta, Samafalka, Bulshadda iyo sida ay Britain u qaabilaan Qaxootiga Soomaalida.
Si kastaba ha ahaatee, Britain waa Dalka Keliya ee ka tirsan Dowladaha Europe ee Safaarad ku leh Caasimadda Somalia ee Muqdisho, waxaana u jooga Safiir iyo Hawlwadeeno si joogta ah uga hawlgala Safaaradda ay ku leeyihiin gudaha Xeradda Xalane ee ay inta badan deggan yihiin Diplomaasiyiinta iyo Hay’addaha QM iyo kuwa Caalamiga ee ka hawlgala Somalia.
©Radio Dalsan