Musharaxa Mayalka Adag ee u taagan Madaxtinimadda Maraykanka ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu xalay Ololihiisa Doorashadda Gobalka Minesota. Waxa uu ka digay waxa uu ugu yeeray Khatarta ka imaanayso Muhaajiriinta Soomaalida ee ugu badan ee deggan magaalladda Minneapolis.
“Halkan gudaha Minnesdota, waxaa marka ugu horreyso arkaysaa in dhibaatada ugu weyn ka timid Xulashadda qaldan ee Qaxootiga ee weliba leh tirada ugu ballaaran ee Qaxootiga Soomaalida ee imaanayo Gobalkiina, iyadoo aadan ka warqabin ama taagerin ama aadan oggolaanin Qaxootigaas” ayuu yiri Donald Trump oo ka hadlay Dibadbax isaga lagu taageerayey.
Waxa uu ku eedeeyey qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Gobalka Minnesota inay ku biiraan Kooxda Daacish iyo inay Aragtida Xag-jirnimadda ku faafiyaan gudaha Maraykanka iyo guud ahaan Caalamka, waa sida uu hadalka u dhigay.
“Qof kasta waxa uu akhrisanayaa Masiibadda ka jirta Gobalka Minnesota” ayuu yiri Donald Trump oo intaasi ku daray inaysan Reer Minnesota lahayn xuquuq ay kaga hadlaan arrintaasi, waa sida uu ku andacooday.
Dhinaca kale, Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump waxa uu sheegay haddii uu Madaxweyne ka noqdo Maraykanka inuu joojin doono Qaxootiga la iska dejinayo Deegaan, iyadoo aysan oggolaanin Dowlad-gobaleedyadda.
Waxa uu ku dooday in Aragtidaasi looga hortegi karo Weeraro Argagixiso oo ka dhaca gudaha Maraykanka, waa sida uu hadalka u yiri.
Si kastaba ha ahaatee, Hadalka qadafka ee uu ku hadlay Donald Trump ayaa lagu fasiray inuu tahay Caro-siyaasadeed uu ka qaaday iyadoo Jaalliyadda Soomaalida iyo guud ahaan kuwa Muslimiinta Maraykanka sheegeen inay Codadkooda siin doonin Musharaxaasi oo ku can baxay inuu ku xad-gudbo dadka Muslimiinta Maraykanka.
Donald Trump waxaa u diiwaan-gashan, isagoo horey u sheegay haddii uu Madaxweyne ka noqdo Maraykanka inuu dadka Muslimiinta ka mamnuuci doono inay soo galaan gudaha dalka Maraykanka, taasi oo u muuqata inuu yahay Musharax ka soo horjeeda Dadka Islaamka.
©Radio Dalsan