Afhayeenka Aqalka Dowladda ee Kenya, Manoah Esipisu ayaa si kulul u beeniyey Warbixintii Baarayaasha QM ku sheegeen inay Askarta Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ka macaashaan Ganacsiga Dhuxusha laga dhoofiyo Dekeddaha Kismaayo iyo Buur-gaabo.
Afhayeenka waxa uu ku dooday in Warbixinta QM looga dan leeyahay in lagu niyad jebiyo Moraalka Ciiddanka Kenya ka jooga Somalia, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay Ciiddankaasi muhiimadda siiyaan shaqada loogu diray Somalia.
Afhayeenka Aqalka Dowladda ee Kenya, Manoah Esipisu waxa uu xusay in Warbixintaasi tahay kuwo ay horey u soo diyaariyeen Hay’addaha aan Dowliga ahayn “NGO”-yada.
Hadalkiisa ayaa soo baxay iyadoo ay Kormeeraayaasha QM soo saareen Warbixin ka kooban 247 bog oo looga hadlay Xaalada Somalia iyo raadka ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Ganacsiga Dhuxusha sida sharci-darada looga dhoofiyo Dekedaha Kismaayo iyo Buur-gaabo.
Warbixinta ayaa lagu muujiyey inay Askarta Kenya laga siiyo 2 Dollar halkii Loor oo Dhuxul ah, iyadoo sannadkiiba 6 milyan oo Loor oo Dhuxul ah laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo iyo Dekedda kale ee macmalka ee Buur-gaabo oo ku taalla meel aan ka fogeyn Saldhigga ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin magaalladda Kismaayo.
Si kastaba ha ahaatee, Hadalka kulul ee ay Dowladda Kenya ku beenisay Warbixinta QM ayaa ku soo beegantay iyadoo Dowladda Kenya ka caraysan tahay Xil-ka-qaadista uu Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon dhawaan ku sameeyey Jeneral Johnson Kimani Ondieki oo u dhashay Kenya, kaasi oo ahaa Taliyihii Ciiddanka QM ee Nabad-ilaalinta u jooga dalka Koonfurta Suudaan.
Dowladda Kenya waxay ku goodisay inay la soo baxayso Kun Askari oo ka mid ah Nabad-ilaaliyaasha QM ee ka hawlgala dalka Koonfurta Suudaan.
©Radio Dalsan