Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump waxa uu xalay khadka Telefoonka kula hadlay Dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadlay xiriirka Labadooda Dal, Ganacsiga, Dagaalka Alshabaab iyo Deganaanshaha Qaaradda Afrika.
Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka, Sean Spicer ayaa sheegay inay Labada Hoggaamiye diiradda saareen Iskaashiga Dhaqaale ee labada Waddan, Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Xarakadda Alshabaab iyo sidii ay iskaashi dhow uga yeelan lahaayeen Ammaanka Gobalka.
“Madaxweyne Trump waxa uu bogaadiyey doorka muhiimka ee Kenya ka qaadanayso Hawlgalka AMISOM, wuxuuna aqoonsaday Dagaalka ay Ciiddanka Kenya kala soo horjeedaan Alshabaab” ayu uyiri Afhayeenka Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.
Wada-sheekeysiga Donald Trump iyo Uhuru Kenyatta o oqaatay muddo 60-daqiiqo ah waxay kaloo ka wada hadleen sidii loo kordhin lahaa Xiriirkooda Ganacsi iyo Maalgashiga Kenya iyo Balalarinta Xiriirka Mandiqadda Bariga Afrika.
Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump waa markii Shanaad ee uu la hadlo Hoggaamiye Afrikaan ah, tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo caleema-saaray bishii January 20-dii ee sannadkan.
Madaxweynayaasha Afrikaanka ee uu Donald Trump horey ula hadlay ayaa waxay kala yihiin: Madaxweynayaasha dalalka Masar, Tunisia, Koonfurta Afrika iyo Nigeria.
©Radio Dalsan