Diyaarado Dagaal oo laga lahaa dalka Qatar oo isku dhacay

Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi ayaa sheegtay inay Labada Diyaaradood isku dhaceen, xilli ay ku jireen Hawlgal Tababar.

Duulliyaasha Labada Diyaaradood waaxaa la sheegay inay ka badbaadeen Shillkaasi, kadib, markii ay Baarshuud kaga soo boodeen Diyaaradahaasi isku dhacay.

Wasaaradda Difaaca ee dalka Qatar ma aysan sheegin noocyadda Diyaaradaha maanta isku dhacay, iyagoo ku jiray Duullimaad Tababar.

Dhinaca kale,  Ciiddanka Cirka ee Maraykanka ee Saldhigga ku leh dalka Qatar waxay sheegeen inay ka war hayaan shilkaasi, balse aan laga soo codsanin wax taageero ah markii uu shilku ka dhacay hawada dalkaasi.

Comments
Loading...