Muhaajiriin Soomaali oo lagu qabtay Turkiga

Ciiddanka Ammaanka ee dalka Turkiga waxay sheegeen inay hawlgal ku soo qabteen in ka badan 770 Muhaajiriin sharci-darro ah oo ku sugnaa W/galbeed ee dalkaasi.

Hadal ka soo baxay Ciiddanka Turkiga ayaa lagu sheegay in Muhaajiriintaasi lagu soo qabtay Hawlgal muddo 2 maalmood ah ka socday Degmooyink Uzunkopru, Meric iyo Ipsala oo ka tirsan Gobalka Edirne oo xuduud la leh dalalka Giriigga iyo Bulgaria.

Boqolaalka Muhaajiriinta sharci-daradda ee lagu qabtay dalka Turkiga waxaa la sheegay inay u kala dhasheen dalalka Somalia, Masar, Morooko, Algeria, Liibiya, Gini, Iiraan, Syria, Pakistan, Bangaladesh iyo Afganistan.

Dhinaca kale, Kooxda Samafalayaasha Jarmalka ee Isha Badda ama Sea-Eye ayaa sheegtay in Markab ay leeyihiin oo ay la socdaan 65 Muhaajiriin laga soo badbaadiyey meel ka baxsan Badda dalka Liibiya uu ku wajahan yahay Jesiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Hadal ka soo baxay Kooxda Sea-Eye waxay ku sheegeen inuu weli Markabkooda lagu magacaabo Alan Kurdi oo ay saaran yihiin 65 Muhaajiriin inuu weli ku sugan yahay Badda Caalamiga, isla markaana aysan doonaynin in mar kale uu muran dhex maro  Maamulayaasha Talyaaniga.

Kooxda Samafalayaasha ee Sea-Eye waxay sheegeen inay Markabka u weecin doonaan Dekedda ugu dhow ee Nabadda ah.

48 Muhaajiriin u dhalatay dalka Somalia ayaa la sheegay inay ka mid yihiin  65-ka Muhaajiriin ee weli dul saaran Markabka Alan Kurdi sida ay sheegtay Kooxda leh Markabka soo badbaadiyey Muhaajiriintaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media