Puntland oo War kasoo saartay Weerarkii Al-shabaab ku qaaday degaanka Wisil 

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka hadlay weerarkii shalay Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Wisil ee koonfurta Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug.

Axmed Karaash oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa tacsi loogu diray Maamulka Galmudug iyo dadkii ku geeriyooday weerarkii qaraxa ku bilowday ee Al-shabaab ku qaadeen Wisil, kadibna halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka Galmudug iyo raggii weerarka soo qaaday.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa shacabka Wisil iyo Ciidanka Galmudug ku boggaadiyay sida ay iskaga difaaceen weerarkii lagu soo qaaday, waa sida uu hadalka u dhigay Axmed Karaash oo Caafimaad u rajeeyay dadkii dhaawacmay.

“Waan uga tacsiyeynayaa dowladda iyo shacabka Galmudug weerarkii gaadmada ahaa ee Al-shabaab kusoo qaadeen deegaanka Wisil ee koonfurta gobolka mudug, Eebbe naxariistii jano haka waraabiyo intii ku shahiiday inta dhaawaca ahna alle ha u booga dhayo, waxaana ku bogaadinayaa sida iskaga difaaceen” ayuu yiri Axmed Karaash.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay adkaynta amniga ee gobolka Mudug, isla markaana ay kaalin weyn ka qaadan doonaan sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-shabaab.

In ka badan 40 qof oo isugu jira Askar iyo dad shacab ah ku geeriyooday weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Wisil ee koonfurta Gobolka Mudug ee Galmudug, waxaana Al-shabaab ay sheegeen inay ku dileen 34 Askari, iyadoona ay xusid mudan in dhaawacyada la keenay Magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor