War goor dhow nasoo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa in madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar laga dajiyay garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada Addis Aababa.
Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta waxaa magaalada Jigjiga ku qabtay ciidamada Milatariga Itoobiya kuwaas oo u dhacay goob uu kugnaa.
Diyaarad milatari oo Helicopter ah ayaa goor dhoweyd ka dejisay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Abab isagoo ay la socdeen ciidamo milatari.
Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa sidoo kale lala xiray qaar kamid ah saraakiishii ugu sar sareeysay ciidamada Liyuu Boolis oo dhibaatooyin farabadan iyo xasuuq horey ugu geystay dad shacab ahaa oo aan wax galabsan.
Wararka ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com.