Milliteriga Mareykanka ayaa toogtay Diyaarad Daroon oo hubeysan, taasi oo dul-maraysay Dhismaha Safaaradooda oo ku taalla magaalladda Baqdaad.
Ilo-wareed ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ee Iraq ayaa sheegay in Nidaamka Difaaca Maraykanka ay toogteen Diyaaradaasi oo maraysay Hawada magaalladda Baqdaad.
Toogashadan ayaa timid saacado kadib, markii Gantaallo lagu duqeeyey Dhismo ay Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin Saldhiga Ciiddanka Cirka ee Cayn Al-Asad oo ku taalla dhulka Lama-degaanka ee Galbeedka dalkaasi.
Dhinaca kale, tan iyo bilowgii sanadkan, 47 weerar ayaa lala beegsaday Danaha Marahykanka ku leeyihiin dalka Iraq, halkaasi oo 2,500 Askar Maraykan ah qeyb ka yihiin Hawlgalka Caalamiga ee La-dagaalanka Kooxda Daacish.
Maraykanka waxay ka walaacsan yihiin Weerarada cusub ee Diyaaradaha Darooniska ee lagu weeraro, waxayna dhawaan sheegeen inay 3 million oo Dollar ku abaal-marin doonaan dadka soo gudbiya xogaha weerarada lala maagan yahay Danaha Maraykanka ku leeyahay Iraq.