Ciiddanka dalkaasi ayaa la sheegay inay toogteen Diyaaradaasi, iyadoo Baraha Bulshada la soo dhigay is-rasaasayn kooban oo ka dhacday Deegaanka lagu soo riday Diyaaradaasi.
Afhayeenka rasmiga ee Boliska caasimadda Sacuudiga ee Riyaad ayaa xaqiijiyey in Diyaaradaasi fiidnimadii xalay lagu soo riday Bar Kontorool oo ku taalla Xaafaddaรย KHUZAAMAรย ee Riyaad, wuxuuna xusay inay socdaan baaritaanka arrintaasi.
Dhinaca kale, Sarkaal sare oo codsaday inaan magaciisa la shaacinin ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee REUTERS inuusan Boqor Salmaan xilligaasi joogin Qasriga oo uu ku maqnaa Beer uu ku lahaa DeegaankaDIRIYA.