Dowladda Federaalka oo War kasoo saartay xiisada Magaalada Baladweyne

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xiisada ka taagan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii shalay halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Jabhada Jeneraal Abuukar Xuud.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda ayaa waxaa marka hore Bulshada Baladweyne loogu baaqay in tabashada ay qabaan si nabad ah ku sheegtaan oo ka fogaadan wax kasta oo keeni kara xasillooni darro.

Wasiir Mukhtaar Xuseen Afrax oo Qoraalka Wasaaradda soo saaray ayaa sheegay inay socdaan dadaalo lagu doonayo in si nabad ah lagu wada hadlo, wuxuuna Culimada, Ganacsatada iyo Duubabka dhaqanka ka dalbaday inay u istaagan adkeeynta xasiloonida, maadaama Baladweyne ay ka dhaceyso Doorasho.

Sidoo kale Wasiir Mukhtaar ayaa tilmaamay in muhiim ah in laga fogaado wax kasta oo keeni kara xasillooni darro, isagoona sheegay in Magaalada Baladweyne ay kamid tahay goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka.

Baladweyne ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaalo u dhxeeeyay Ciidanka Dowladda, kuwa Hirshabeelle iya Ciidanka Jabhada Jeneraal Abuukar Xuud, waxaana dagaalkaas uu geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda kasoo baxay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor