Diyaarado dagaal iyo ciidamo la socday ayaa weerar ku qaaday fariisin ay ciidamo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shaabab ku leeyihiin deegaanka Weel Maaroow,oo 60km dhinaca galbeed kaga toosan Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo dhex maray Ciidamadii Cadaanka ahaa oo goobta weeraray iyo Al-Shabaab.
Dadka deegaanka qaarkood aya waxa ay sheegyaan in xalay ay mar uun ka war heleen jug culus iyo dagal leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan kaas oo mudo hal Saac ku dhow halkaasi ka dhacay balse weli lama caeen khasaaraha ka dhashay daagalkaas.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in goobta weerarka lagu qaaday ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab islamarkaana weerarkaas khasaaro lagu gaarsiiyay haatana uu socdo qorsho ay weeraro kale ku fulin doonaan Ciidamada Maamulka Jubbaland.
Wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayan in xaalada ay iminka tahay mid degan waxana ku sugan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab,iyadoo ay dadka u diidayaan in ay tagaan goobtii la weeraray ee uu dagaalka ka dhacay.