Xarunta Madaxtooyadda Maamulka Galmudug ayaa haatan waxaa ka socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee uu ku furmayo Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada dalka oo daqiiqado kadib furmaya.
Xarunta Madaxtooyadda ayaa waxaa kusii qulqulaya Mas’uuliyiinta kala duwan ee la socda Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka, waxaana daqiiqado kadib la filayaa in Xarunta ay tagaan Madaxda Maamulada.
Qodoboda ugu waaweyn ee Shirka looga hadli doono inta uu socdo ayaa waxaa kamid ah sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka dowlad Goboleedyada dalka iyo dowladda Feederaalka, xalinta Khilaafyada jira, xalinta tabashooyinka Maamulada ee dowladda iyo Arrimaha Doorashooyinka dalka ka dhaca.
Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta aad loo adkeeyay, iyadoona waddooyinka la dhigay ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo sugaya amniga Madaxda Dowlad goboleedyada ee ku sugan halkaas.