Wufuud ka kala socda Maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa goordhow gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug si ay uga qeyb galaan Xaflada Caleemo-Saarka Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Cadaado ka dhaceysa.
Wafdiga gaaray Cadaado ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cli Cabdullaahi Xuseen(Guudlaawe)
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa Cadaado ku soo dhaweysay waxaan sidoo kale la filayaa in ay Wuduuf kale halkaasi gaaraan.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com