Allaha u naxariistee waxaa Magaalada muqdisho ku geeriyooday gudoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka  Somaaliya kaa soo lagu magacaabo Axmed Abroone Amiin.
Marxuumka ayaa ahaa Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Somaaliya xiligii dowladduu uu Madaxweyne ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan,waxana ehelada Marxuumka ay sheegeen in xalay uu ku soo booday xanuun deg deg ah kaas oo ugu dambeen uu u geeriyooday waqtiga Saxuurta.
Allaha u naxariistee Marxuum Axmed Abroone Amiin,ayaa lagu wadaa in isla maanta aas qaran loo sameeyo waxaana ka qeybgeli doona Madax ka tirsan dowladda Federaalka Somaaliya.