Xubin ka tirsan Dowladda Shiinaha oo lagu magacaabo Yang Jiechi ayaa lagu wadaa inuu maanta booqasho 2 maalmood ku tego magaalladda Washington, si uu Madaxda dalkaasi kal hadlo Xiriirka Labad Dal iyo Arrimaha Waqooyiga Kuurya.
Booqashadiisa ayaa timid, kadib, markii ay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka,. Rex Tillerson Telefoonka kula hadlay Yang Jiechi si loo qaboojiyey xiisad ka dhalatay markii uu Madaxweyne Donald Trump bishii December kulan la yeeshay Haweeneyda Madaxweynaha ka ah Jesiiradda Taywan.
Waana booqashadii ugu horreysay oo uu Sarkaal ka socda Shiinaha ee booqda Maraykanka, tan iyo markii uu Madaxweyne Donald Trump xilka qabtay bishii January 20-dii ee sannadkii hore.
©Radio Dalsan